Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa guud ahaanba beenisay inay dowladda Sweden la gashay heshiis qarsoodi…

Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa guud ahaanba beenisay inay dowladda Sweden la gashay heshiis qarsoodi ah oo ogolaanaya soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Qaxooti ahaanta ugu nool dalka Sweden.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in aysan waxba kajirin wararka la xiriirka in heshiis qarsoodi oo dhaqaale lagu siinayo dowladda islamarkaana ay xukuumadda Soomaaliya ku bedalaneyso in lasoo celiyo muwaadiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden.
“Waxba kama jiraan wararkaas majiro heshiis dowladda ay la gashay Sweden,dhaqaalaha la siiyo dowladda wuxuu soo maraa hay’adaha qaramada midoobay majiro dhaqaale toos ah oo kudhaca qasnadda dowladda”ayaa lagu yiri qoraal ku qornaa luuqadda Ingiriiska oo kasoo baxay xafiiska R/wasaare Xamse Cabdi Barre.






