Xukuumadda Somalia oo digniin u dirtay Lafta-gareen & siyaasiyiinta taabacsan.

26 March, 2026

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda xukuumadda federalka ah ee Somalia Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa digniin u…

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda xukuumadda federalka ah ee Somalia Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa digniin u diray Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed iyo xildhibaanada heer federal ee taageerada u muujiyey qorshihiisa doorashada.

Wasiir Cabdulqaadir, waxa uu sheegay in Lafta-gareen uu Koonfur Galbeed gacanta kaga hayo xaafadda uu ka deggan yahay Baydhabo iyadana dhawaan laga qabsan doono, wuxuuna farriin u diray xildhibaanada taabacsan oo uu sheegay inay quuddaraynayaan inay markale ku soo baxaan xildhibaanada heer federal oo Lafta-gareen ku soo qoro kuraasta.

“Siyaasiyiinta tirada yar ee taageersan Duqa ay u maleeyaan inuu Xildhibaan KGS ka soo qori rabo waxaan leeyahay, sanadku waa 2026 dalku doorasho qof iyo cod ayuu aadey, dhalinyaro aad qaldi kartaan dalka ma joogto, Reer KGS waa hadleen ficilna way sameeyeen, hal degmo oo maanta Duqaas gacantiisa ku hartey ma jirto marka Xaafdda uu ka deganyahay Baydhabo laga reebo, iyadana mar dhow waa laysugu imaanaa”, Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in xubnaha mucaaradsan DFS ay haystaan fursad ay dowladnimada ugu soo laaban karaan,”Weli waxaad heysatiin fursad aad dadkiina ku soo raacdaan, hadaad diidaan Duqaas diyaarad ayuu idinka raacaa sidii markuu Jidda ka soo tagaayey mana idin sheegi doono. Toloow maxaa ummada la soo hor fariisan doontaan markey halkaas taagantaay.”