Xukuumadda Somalia oo gogol u fidisay golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

19 January, 2026

Xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa ku dhawaaqday inay soo dhaweynayso dalabkii golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee…

Xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa ku dhawaaqday inay soo dhaweynayso dalabkii golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ku aadanaa qabashada shir looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Qoraal ka soo baxay xukuumadda Somalia ayaa lagu sheegay in iyadoo la tixraacayo soo jeedintii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ay soo dhaweynayso dalabkii golaha mustaqbalka diyaarna u tahay wax walba oo xal loogu raadinayo midnimada dalka.

“Xukuumadda Somalia iyadoo ka duulayso talo-soojeedintii madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud waxay casumaad rasmi ah u fidinaysaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed”, Ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in xukuumaddu fidinayso gogol wadatashi qaran oo 1-da Febraayo ka furmaysa Magaalada Muqdisho, waxaana qaban qaabadeeda loo xil-saaray guddi wasiiro ah.