Xukuumadda Somalia oo ka hadashay colaadda Adhi-caddeeye.

24 June, 2026

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysey ka hadashay colaadda ka taagan deegaanka Adhi-cadeeye ee gobolka…

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysey ka hadashay colaadda ka taagan deegaanka Adhi-cadeeye ee gobolka Sool, taas oo u dhexeysa laba beelood oo walaalo ah isla markaana sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Somalia Cali Yuusuf Cali, ayaa cambaareeyey falalka gacan ka hadalka ah ee sababay dhimashada iyo dhaawaca shacabka, isagoo ku baaqday in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dagaallada iyo tallaabo kasta oo sii hurin karta colaadda.

Waxa uu dhinacyada ku lugta leh colaadda ugu baaqay inay mudnaanta siiyaan nabadda, wada noolaanshaha iyo ilaalinta xasilloonida bulshada, si looga hortago dhibaatooyin iyo khasaare hor leh oo ka dhasha colaadda.

Ugu dambayntiina Wasiirka ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu xalliyo wadahadal iyo is-afgarad, iyadoo ugu baaqday waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo maamulka deegaanka inay ka shaqeeyaan dejinta xaaladda iyo dib-u-heshiisiinta bulshada.