Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta, 21-ka Agoosto 2026, si rasmi ah u caddeysay mowqifkeeda ku aaddan…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta, 21-ka Agoosto 2026, si rasmi ah u caddeysay mowqifkeeda ku aaddan arrinta Qubrus, kaddib dood iyo xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay farriin uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulkadir Maxamed Nuur, u diray Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Waqooyiga Qubrus.
Xiisadda ayaa bilaabatay kaddib markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu baraha bulshada ku daabacay farriin uu uga mahadcelinayay Dr. Ziya Öztürkler, oo ah Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Waqooyiga Qubrus, hambalyada uu u diray kaddib doorashadii Cabdulkadir Maxamed Nuur ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo farriintiisa ku adeegsaday magaca “Turkish Republic of Northern Cyprus”, oo ah maamul aan si caalami ah loo aqoonsan marka laga reebo Turkiga.
Arrintan ayaa dhalisay su’aalo iyo walaac ku saabsan in farriinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay muujin karto isbeddel ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, gaar ahaan mowqifka Muqdisho ee ku aaddan khilaafka Qubrus.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya oo ka jawaabaysa arrintaasi ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in mowqifka rasmiga ah ee Soomaaliya uu weli ku dhisan yahay Axdiga Qaramada Midoobay iyo qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo si cad u sheegtay in qoraalka shaqsiga ah ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka uusan matalin isbeddel ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda Federaalka.
Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay inay si buuxda u ixtiraamayso madaxbannaanida, xorriyadda, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Qubrus, iyadoo mowqifkaas ku salaynaysa sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Golaha Ammaanka, gaar ahaan Qaraarrada 541 ee sannadkii 1983 iyo 550 ee sannadkii 1984.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay sidoo kale adkaysay in Soomaaliya aysan aqoonsanayn wax hay’ad ama maamul gooni ah oo ka jira waqooyiga Qubrus, isla markaana aysan jirin wax go’aan ah oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku beddeshay mowqifkeeda taariikhiga ah.
Qaraarka 541 ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa door muhiim ah ku leh arrintan, waxaana Soomaaliya ay sheegtay inay weli ku dheggan tahay qawaaniinta iyo qaraarrada caalamiga ah ee khuseeya Qubrus oo hadda xubin ka ah Midowga Yurub oo taageero ballaaran siiya DFS.




