Xukuumadda Somalia oo markale digniin u dirtay Imaaraadka Carabta.

15 January, 2026

Xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa markale dalalka caalamka uga digtey inay Soomaaliya kaga shaqeeyaan heshiisyo…

Xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa markale dalalka caalamka uga digtey inay Soomaaliya kaga shaqeeyaan heshiisyo aan ogolaansho rasmi ah ka haysan dowladda federalka ah, kadib laalista heshiisyadii Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda federalka ah ee Somalia Daa’uud Aweys, ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan dhaqangelinta go’aankii xukuumaddu kaga laabatay heshiisyadii Imaaraadka, wuxuuna xusay in dal walba oo ku dhiirada fulinta heshiis aysan ogayn DFS uu ku dhiiraday kala qoqobka Somalia.

“Heshiis kasta oo aysan wax ka ogayn dowladda Somalia waa sharci darro dalkana kama shaqayn karo, ciddii ku dhiiratana waxay noqonaysaa mid u soo bareertay Somalia”, Wasiir Daa’uud Aweys oo u goodiyey Imaaraadka Carabta.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli ay shacabka Soomaaliyeed ka dhawrayaan sida uu dhaqangal u noqon karo go’aankii xukuumadda oo ay ka horyimaadeen maamulada Puntland, Jubbaland iyo Somaliland oo dhammaan iskaashi dhaqaale iyo amni laleh dowladda Imaaraadka Carabta.