Xukuumadda Somalia oo shaacisay in dalku wajahayo xaalad halis ah.

27 August, 2025

Xukuumadda fedederalka ah ee Somalia ayaa walaac xooggan ka muujisay yaraanta kaalmadii uu caalamku siin jirey…

Xukuumadda fedederalka ah ee Somalia ayaa walaac xooggan ka muujisay yaraanta kaalmadii uu caalamku siin jirey dalka oo siweyn hoos ugu dhacday bilihii la soo dhaafay.

Wasiirada maaliyadda, Caafimaadka iyo beeraha xukuumadda Somalia oo siyaabo kala duwan warbaahinta ula hadlay ayaa muujiyey sida quusta looga taagan yahay hoos u dhaca kuyimid kaalmadii caalamka oo saamayn ku yeelatay inta badan shaqooyinkii Hay’adaha kala duwan ee dowladda.

“Caalamku naaskii aan jiqi-jirnay waa jaray, waxa la dhahay; is-maareeya, xitaa buskud diiqii la siin jirey xarumaha caafimaadka waa nalaka joojiyey”, Ayuu yiri wasiirka caafimaadka xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam

Dhanka kalena, Wasiirka beeraha Somalia ayaa sheegay in xukuumadda RW Xamse ay isla qaadatay in dalka lagu jeheeyo dhulkooda isla markaana uu qof walba raadsado wixii uu ku noolaan lahaa, maadaama aysan jirin deeq caalamka ka imaanaysa.

“Golaha wasiirada waxaa laysla qaatay in qof walba meel uu wax ka cuno raadsado, cid dambe wax ma soo waddo ee badda gala ama beeraha fasha”, Ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.