Xukuumadda Somalia oo shaacisay in lagu jiro xilli kala guur ah.

19 May, 2026

Xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa markii ugu horreysey qiratay in dalku kujiro marxalad kala guur…

Xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa markii ugu horreysey qiratay in dalku kujiro marxalad kala guur ah, loona baahan yahay awood ciidan iyo cabburin lagu sameeyo cidkasta oo doonaysa inay dhaqaaq samayso.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federalka ah ee Somalia Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in lagu jiro xilli kala guur ah ayna xilliyadaan oo kala soo bataan dadka tuugada ah ayna awood iyo cabburin u adeegsan doonaan dadkaasi.

Dhanka kalena, Wasiirka ayaa sheegay in dhinacyada mucaaradka ee ku sugan Muqdisho ay u ogol yihiin inay ka soo hadlaan hotelka Aljazeera, haseyeeshee aan la aqbali doonin dhaqdhaqaaq dheeraad ah.

“Xilliyada kala-guurka oo xilliyadan oo kale ah dad badan oo tuugo ah ayaa ummadda khalkhal geliya, kuwaas halkooda ayaan ku cabudhinaynaa, Mucaaridkana waxaan u oggol nahay Hotel Jazeera halkaas dadka ha kala hadlaan.”