Xubno katirsan golaha xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa ku goodiyey in dowladdu gaari doonto shidaal…

Xubno katirsan golaha xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa ku goodiyey in dowladdu gaari doonto shidaal qodisna ka samayn doonto xeebaha deegaamada ay ka arrimiyaan Puntland iyo maamulka Jubbaland.
Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federalka ah ee Somalia Cali Yuusuf Cali oo saami-qaybsigiisu yahay Puntland ayaa sheegay in xeebaha ee Somalia gaar ahaan Puntland uu tegi doono markabka shidaalka qodaya ee Turkiga.
“Markabka shidaal baadhistu xeebaha Bari wuu tegeyaa marka loo baahdo, cid xannibi kartana ma leh waa qayb kamid ah Somalia”, Ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.
Dhankiisa wasiirka amniga xukuumadda Somalia Gen. Fartaag ayaa sheegay,”Dekadaha Kismaayo iyo Boosaso ayuu tagayaa markabka Turkiga, shidaaalkana wuu ka qodayaa dalkaan hal dowlad ayuu lee yahay.”



