Xukuumadda Somaliland oo lagu eedeeyey inay garoonka Cigaal ku weerartay Madaxweyne Muuse Biixi.

1 December, 2025

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa israsaasayn maanta garoonka Cigaal ee Magaalada Hargeysa ku dhexmartay…

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa israsaasayn maanta garoonka Cigaal ee Magaalada Hargeysa ku dhexmartay ciidanka Maamulka Somaliland iyo ilaalada madaxweyne hore Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo u safrayey dalka Imaaraadka Carabta ayaa loo diiday inuu garoonka diyaaradaha Cigaal lagalo ciidan dharcad ah iyo gaadiid, taasi oo sababtay khilaaf israsaasayn isu-beddeley.

Muuse Biixi Cabdi ayaa rasaasta kadib lug ku galay garoonka iyadoo loo diidey inuu ka soo galo albaabka VIP-da ee ay inta badan ka galaan kana soo baxaan madaxda iyo shaqsiyaadka xilalka sarsare ka soo qabtay Maamulka Somaliland.

Qoraal ka soo baxay xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in ay is-hortaag ku sameysay safarka Muuse Biixi, isagoo falka garoonka ka dhacay ku tilmaamay mid argagaxiso oo ay ka bixin doonaan jawaab degdeg ah.

QORAALKA KULMIYE

Xisbiga KULMIYE waxa si weyn uga xun yahay tallaabada ay maanta ciidanka Booliska Madaarka Hargeysa kula kaceen Madaxweynihii 5aad ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Xisbiga KULMIYE waxa uu u arkaa mid aan la aqbali karin rasaasta ay ciidanka boolisku u isticmaaleen Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Waxa aannu Xukuumadda talada haysa, gaar ahaan Wasaaradda Duulista iyo hay’adaha Amniga ka sugaynaa xisbi ahaan inay jawaab rasmi ah ka bixiyaan dhacdadan foosha xun oo sawir khaldan ka bixinaysa hannaanka dawladnimada Somaliland.