Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadisay guulihii ciidamada difaaca Puntland ka gaareen hawlgalka sifaynta argagixisada Daacish ee buuraha Calmiskaad.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyey Ciidamada geesiyaasha ah ee Dowlad goboleedka Puntland, kuwaas oo guulo waaweyn ka gaaray jab xooggana gaarsiiyey kooxda argagixisada Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Golaha ayaa go’aamiyey in hey’addaha dowladda ay mid walba qaadato doorkeeda waxtarka ah ee kaga aaddan garab istaagga ciidamada iyo shacabka Puntland ee dagaalka kula jira cadowga.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa doorkooda ka qaadan wali dagaalka ay Puntland jirto Daacish, sida taakulada raashinka, hubka iyo agabka kale, marka laga yimaado hambalyada iyo bogaadinta.
Horseed Media