Xulista Xildhibaanada Waqooyi Bari oo Qoondada Haweenka mudnaan laga siiyey.

5 August, 2025

Waxaa magaalada Laascaanood ka socda dhismaha maamulka Cusub waxaana hada socota soo gudbinta araajida musharaxiinta xildhibaanada…

Waxaa magaalada Laascaanood ka socda dhismaha maamulka Cusub waxaana hada socota soo gudbinta araajida musharaxiinta xildhibaanada oo ay beelahu u gudbinayaan guddiga Ansixinta Xildhibaanada Maamulka Woqooyi-bari oo ay magacowday wasaaradda arrimaha gudaha ee federaalka.

Guddiga oo soo saaray habraaca xulista xildhibaanada ayaa ugu hiiliyey ilaalinta qoondada Haweenka iyadoo qabiil walba oo 3 xubnood ku leh wakiilada uu mid ka dhigo haweenka waxaa sidoo kale haweenka musharixiinta ah laga fududeeyey lacagta diwaangelinta oo $250 laga qaadayo halka raga laga rabo $500.

Beelaha soo gudbinaya xubnahooda ayaa qaarkood laga aqbalay xubnahii ay soo gudbiyeen sidoo kale waxaa jira xubno magacaabistooda khilaaf ka jiro kuwaas oo qaarkood loo aaneynayo in xubnahaas laga doonayo xubin Haween ah.

Guddiga ayaa leh go’aanka ugu dambeeyey ee xubinta loogu aqoonsanayo xildhibaan maamulka Waqooyi Bari, Waxaana durba muuqata in beelaha qaar aysan diyaar u ahayn waafajinta xubnahooda qoondada Haweenka.

Dhina kale waxaana jira walaac ah in guddiga uu xubno taageero u ah hogaamiye Firdhiye in lasoo xulo iyadoo ay jiraan beelo cabasho ka ah dhismaha maamulka, waxaa ilaalinta qoondada iyana caqabad u arka beelaha qaar oo xubnahooda uwada raba rag.

Qoondada haweenka ee 30% waa mid markasta lagu soo daro hanaanka maamulada Soomaaliya balse aan ilaa iyo hada aysan jirin maamul dhamaystira oo bixiya qoondada Haweenka oo dhamaystiran.