Xulka kubadda cagta Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa gaarey wareegga afar dhammaadka tartanka caasimadaha…

Xulka kubadda cagta Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa gaarey wareegga afar dhammaadka tartanka caasimadaha gobolada Puntland ee ka socda garoonka Shuhadada.
Boosaaso oo raadinaysa hal dhibic ayaa ugu dambayn gudubtey, kadib ciyaartii ugu xammaasadda badnayd oo ku soo dhammaatay barbaro goolal la’aan ah, taasi oo ka dhigan in Galkacyo ku harto wareegga Groupyada.
Xulalka Boosaaso, Dhahar, Qardho iyo Garoowe ayaa isugu soo haray wareegga 4 dhammaadka iyadoo labada soo badiya bugbaxa ay ciyaari doonaan kama dambaysta koobka Cal-miskaad ee u dhexeeya caasimadaha Puntland.




