Xulka Qaranka Iiraan oo loo diiday fiisaha Mareykanka

Xiriirka Kubadda Cagta ayaa sheegay in fiisaha aan la siinin “Maamulka iyo xubnaha muhiimka ah ee xulka qaranka Iran” iyo in ay daba gal ku sameyn doonaan arrinta FIFA.

6 June, 2026

Xiriirka Kubadda Cagta Iiraan ayaa dhaleeceeyay ku guuldareysiga in fiisaha la siiyo qaar ka mid ah xulka qaranka ee loo diray Koobka Adduunka, iyagoo ku eedeeyay dowladda Mareykanka inay ku kacday habdhaqan takoor ah.

Xiriirku waxa uu ku eedeeyay Maraykanka “in uu hab-dhaqankiisa naceybka ah ee ka dhanka ah qaranka Iran uu ku fidinayo dhanka ciyaaraha, isaga oo si wax ku ool ah u diidaya xulka qaranka Iran fursad uu ku helo xaalad siman oo uu ku tartamo takoor la’aan”.

Xiriirka Kubadda Cagta ayaa sheegay in fiisaha aan la siinin “Maamulka iyo xubnaha muhiimka ah ee xulka qaranka Iran” iyo in ay daba gal ku sameyn doonaan arrinta FIFA.

Bayaanka ayaa lagu yiri: “Martigeliyahu wuxuu abuuray jawi takoorid iyo sinaan la’aan iyadoo loo marayo takoorid iyo habdhaqan bartilmaameed ah oo ka dhan ah xulka qaranka kubada cagta Iran, taas oo ah faragelinta siyaasadeed ee isboortiga sida ugu xun.”

Hadda ka hor, Safaaradda Iran ee Turkiga oo tixraacaysa hadalladii Tom Barrack, Safiirka Maraykanka ee Turkiga, ee ku saabsanaa bixinta fiisaha ee ciyaartoyda Iran, ayaa qoray. “Maxaad u oran weyday fiisaha lama siinin qayb badan oo ka mid ah maamulka iyo shaqaalaha fulinta, la-taliyayaasha farsamada, iyo dadka kale ee qayb ka ah koox kasta oo kubbadda cagta ah?”

“Hadda waxaad si ula kac ah oo takoorid ah ula dhaqanteen xulka qaranka kubadda cagta Iran heerkii ugu sarreeyay.”

Horseed Media