Xulkii ku guulaystey koobka caasimadaha gobolada Puntland oo Garoowe lagu soo dhaweeyey.

26 May, 2026

Xulka kubadda cagta ee caasimadda gobolka Nugaal ee Garoowe oo maalinimadii shalay ku guulaystey koobka caasimadaha…

Xulka kubadda cagta ee caasimadda gobolka Nugaal ee Garoowe oo maalinimadii shalay ku guulaystey koobka caasimadaha Puntland ee Cal-miskaad oo ka socdey Boosaaso ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe.

Maamulka gobolka, kan degmada iyo kumanaan shacab ah ayaa duleedka ilaa barxadda Magaalada u taagnaa soo dhaweynta xulka oo hantay koobkii shuhadada Cal-miskaad.

Tartankan oo loogu magac daray “Cal-miskaad Cup” ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah, waxaana si wadajir ah u qabanqaabiyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland iyo xiriirka kubadda cagta Puntland, si loogu dhiirigeliyo dhalinyarada, horumarinta isdhexgalka bulshada iyo xoojinta nabadda.

Guud ahaan tartanka Cal-miskaad Cup oo si nabdoon ku soo dhammaaday ayaa lagu xusayey halyeeyadii naftooda u huray difaaca Puntland ee ku geeriyooday hawlgalkii Hillaac ee buuraleeyda Cal-miskaad, iyadoo shacabku muujiyeen garab istaagga ciidankooda.