Xuutiyiinta oo duqeeyey Markab u socday Italy iyo Dab ka dhashay

Published: June 14, 2024

Milateriga Mareykanka ayaa Khamiistii cambaareeyey Xuutiyiinta Yemen weerar ay ku qaadeen markab ay ku dhaawacay ugu yaraan mid ka mid ah badmaaxiinta.

Xuuthiyiinta ayaa laba gantaal oo kuwa lidka maraakiibta ah (ASCM) ku riday gacanka cadmeed, kuwaas oo ku dhuftay markab xamuul ah oo ka babanaya calanka Palauan, lagana leeyahay Ukraine, balse ay maamusho shirkad xarunteedu tahay dalka Poland.

Taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in M/V Verbena uu ku sii jeeday dalka Talyaaniga isagoo sida alwaaxda dhismaha.

Weerarka ayaa sababay dab qabsaday markabka, kaasoo hadda gubanaya.

Mid ka mid ah badmaaxiinta rayidka ah ayaa si xun u dhaawacmay ka hor inta aysan diyaarad militariga Mareykan ah u daad gureyn badmaaxiinta dhaawacantay oo ay geysay markab ciidan si loo dabiibo.

Horseed Media