Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay inay dajiyeen markab, iyagoo weeraro is dhaafsaday Israa’iil

7 July, 2025

Milateriga Israa’iil ayaa weeraray dekedaha Xudeydah, Ras-Ciise iyo as-Salif iyadoo Xuutiyiintu ay weli sii wadaan inay gantaalaha ku garaacaan Israa’iil.

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay in weerar ay ku qaadeen markab marayay badda cas, kadib markii kooxda ay weeraro is dhaafsadeen Israa’iil.

Weerarka lagu qaaday markabka Magic Seas ee laga leeyahay dalka Liberia ayaa dhacay maalintii Axadda, iyadoo Xuuthiyiinta ay sheegteen weerarkan gelinkii dambe ee Isniintii.

The Magic Seas ayaa dab qabsaday weerarka kadib markii lugu duqeeyey gantaalo iyo doomo qaraxyo lagu rakibay, taas oo ku qasabtay shaqaalihii markabka inay ka degaan.

Xuutiyiinta ayaa markii dambe sheegay in markabka uu degay.

Dhanka kale, milatariga Israa’iil ayaa sheegay Axaddii in ay duqeeyeen saddex dekedood iyo warshad koronto oo ku taalla deegaannada Xuutiyiinta Yemen ay maamulaan, taasoo keentay in kooxda xulafada la ah Iran ay gantaalo badan ku ridaan dhulka Israa’iil heysato.

Israa’iil waxay sheegtay in ay duqeysay dekedaha Xudeydah, Ras-Ciise iyo as-Salif ee xeebta Badda Cas iyo sidoo kale warshadda korontada ee Ras Kathib.

Waxa ay sheegtay in ay sidoo kale duqeeyeen Raadaarka Marka Galaxy, kaas oo ay qabteen Xuuthiyiinta oo ay weli ku heystaan dekedda Xudeydah.