Diyaarad Drone ah oo ka soo duushay dalka Yemen ayaa duqeysay garoonka diyaaradaha ee koonfurta Israel, taasoo ku qasabtay in hawada la xiro lana hakiyo duulimaadyada, sida uu sheegay militariga Israel.

Laba qof ayaa ku dhaawacantay weerarka diyaaradan Drone ah oo duqeysay garoonka diyaaradaha ee koonfurta Israel.
Hawada Israa’iil ee gegida dayuuradaha ee Ramon ayaa la xidhay.
Israa’iil ayaa sheegtay in Xuutiyiintu ay kusoo weerareen dhowr diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo qaarkood lagu riday meel ka baxsan Israa’iil. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhacay hoolka rakaabka ee garoonka Ramon ee u dhow magaalada koonfurta Israa’iil ee Eilat, sida uu sheegay maamulka garoomada diyaaradaha ee Israa’iil.

TV-ga Channel-ka 12-aad ee Israa’iil ayaa sheegay in afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn laga diray Yemen.




