Xoogagga Xuutiyiinta Yemen ayaa ku goodiyey inay weerar ku qaadi doonaan Soomaaliya haddii ay fariisimo iyo…

Xoogagga Xuutiyiinta Yemen ayaa ku goodiyey inay weerar ku qaadi doonaan Soomaaliya haddii ay fariisimo iyo saamayn ku yeeshaan sirdoonka iyo ciidanka maamulka Yuhuudda, kadib heshiiskii Somaliland iyo Isra’il.
Hoggaamiyaha kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen Cabdimalik Al-Xuuti ayaa shaaca ka qaaday inay beegsan doonaan joogitaan kasta oo Israa’iil ku yeelato dhulka iyo biyaha Soomaaliya.
“Waxaan u aragnaa joogitaan kasta oo Israa’iil ku yeelato dhulka Soomaaliya in uu yahay bartilmaameed sharci ah, waxaana beegsan doona ciidankeenna”, Ayuu yiri Cabdimalik Al-Xuuti.
Arrintaan ayaa ku soo beegmaysa xilli warbaahinta Yuhuuddu baahisay in Sirdoonka maamulka Isra’il ay xarumo amni ka samaystaan gudaha Somaliland si ay uga abaabulaan qorshayaal ka dhan ah Turkiga, Yemen iyo Iran.




