Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa shaaciyey in ay la wareegeen jasiiradda Mayun oo ku taal marin-biyoodka Baab…

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa shaaciyey in ay la wareegeen jasiiradda Mayun oo ku taal marin-biyoodka Baab Al-mandab tan oo wax ka yar 20KM u jirta dalalka Jabbuuti & Eriteriya, magaalada dekedda ah ee Mokha (Al-Makha) oo ku taalla xeebta Badda Cas, qiyaastii 80 km u jirta marin-biyoodka Bab Al-Mandeb; sidoo kale ciidamadoodu waxay u sii dhaqaaqeen dhanka Jasiiradaha Hanish.
Bab Al-Mandeb waa mid ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan dunida, waxaana uu isku xiraa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, waana marin muhiim u ah isu-socodka ganacsiga u dhexeeya Aasiya iyo Yurub, iyadoo qiyaastii 10–12% ganacsiga badda ee caalamka uu maro waddada Badda Cas iyo Bab Al-Mandeb.
Marin-biyoodkan ayaa sidoo kale ah goob istiraatiiji ah oo ay ku loollamayaan quwadaha gobolka iyo kuwa caalamka. Xiisadda u dhexeysa Xuutiyiinta Yemen iyo dowladda caalamku aqoonsan yahay ayaa sii kordhisay walaaca laga qabo amniga Badda Cas, gaar ahaan kadib markii Xuutiyiintu ay qabsadeen magaalada dekedda ah ee Mocha oo ku dhow Bab Al-Mandeb.
Dowladda Yemen iyo xulafadeeda ayaa ku doodaya in xakamaynta xeebaha iyo marin-biyoodka Bab Al-Mandeb ay leedahay muhiimad ka baxsan xuduudaha Yemen, maadaama khalkhal ku yimaada uu saameyn ku yeelan karo ganacsiga iyo tamarta caalamka. Sidaas darteed, Bab Al-Mandeb wuxuu hadda noqday mid ka mid ah meelaha ugu xasaasisan ee isku haya ganacsiga caalamka, amniga Badda Cas iyo loollanka awoodaha Bariga Dhexe.
Hakad kuyimaada maraakiibta adeegsanaysa Bab Al-Mandeb sababo amni awgood, ayaa lahama maarmaan u noqon doonta inay maraan koonfurta Afrika, taas oo kordhinaysa masaafada safarka, waqtiga iyo kharashaadka gaadiidka.




