Xuutiyiinta Yemen oo weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion, Israa’iil

4 May, 2025

Gantaal ayaa lagu garaacay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Israa’iil, waxaana ku dhaawacmay tiro dad ah, waxaana uu sababay in si ku meel gaar ah loo hakiyo duulimaadyadii.

Xuutiyiinta ayaa sheegtay in Axaddii ay gantaal ku weerareen garoonka caalamiga ah ee Ben Gurion ee Israa’iil, ee magaalada Tel Aviv.

Magen David Adom oo u dhashay Israa’iil ayaa sheegay in ugu yaraan 8 qof ay ku dhaawacmeen gantaalka laga soo tuuray Yemen.

Afhayeenka ciidamada Xuuthiyiinta Yehya Saree ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in kooxda ay gantaal ballistic ah ku rideen garoonka diyaaradaha, iyagoo sheegay inay ku guulaysteen inay beegsadaan bartilmaameedkooda.

Gegida diyaaradaha ayaa si kumeel gaar ah u hakiyay duullimaadyada iyo soo degista ka dib weerarka. Shirkadda duulimaadka Jarmalka ee Lufthansa ayaa sheegtay in ay hakinayaan duulimaadyada Tel Aviv ilaa 6-da May.

Afhayeenka Xuutiyiinta Saree waxa uu wacad ku maray inay sii wadi doonaan weerarada ay ku taageerayaan falastiiniyiinta “wax kasta oo ka dhalan kara” ilaa inta uu ka dhamaanayo dagaalka Gaza ee u dhaxeeya Israel iyo Xamaas.

Maamulka Garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay in Gantaalka uu ku dhacay wado agteeda ah meel u dhaw Terminal 3 goob baabuurta la dhigto.

Wasiirka difaaca Israa’iil Israel Katz ayaa wacad ku maray in cawaaqib xun ay ka dhalan doonto weerarka garoonka: “Qof kasta oo na waxyeeleeya, waxaanu waxyeeleyn doonaa toddobo laab”. ayuu yiri.