Dagaal ayaa ka qarxay gobolka Xadramout ee Yemen oo xuduud la leh Sacuudi Carabiya, kaasoo u dhexeeya ciidamo daacad u ah guddoomiyaha gobolka ee Sacuudigu taageero iyo Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC).

STC waxay ku eedeysay Sacuudi Carabiya inay duqeysay ciidamadeeda meel u dhow xuduudda.
Laakiin guddoomiyaha Hadramout, Salem al-Khanbashi, oo uu Sacuudiga Taageero ayaa sheegay in dadaalladan lagu doonayo in dib gacanta dowlada Yemen loogu soo celiyo saldhigyada ay la wareegeen gooni u goosadka STC ee gacanta ku dhigay inta badan koonfurta Yemen.

Arrintan ayaa timid maalmo kadib markii Sacuudi Carabiya iyo dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ay ku eedeeyeen Imaaraadka Carabta inay hubeeyaan STC ayna ku riixayaan inay qabsadaan qaybo kamid ah gobollada Hadramout iyo al-Mahra ee koonfurta Yemen bishii hore.



