Kooxda ugu weyn ee gooni u goosadka koonfureed ee Yemen ayaa sheegatay inay si ballaaran ulla wareegeen koonfurta dalkaasi.

Amr al-Bidh, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC), ayaa Isniintii u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in kooxdu ay sii ballaarisay joogitaankeeda dhammaan gobollada koonfureed – oo ay ku jirto magaalada Cadan, oo ah saldhigga dowladda caalamku aqoonsan yahay tobankii sano ee la soo dhaafay.
Kooxda STC ayaa hawlgalkan milatari oo ay ugu magac dareen “Mustaqbalka Ballanqaadka” ayaa bilaabmay toddobaadkii hore.
Siddeedda gobol ee koonfurta ayaa “ku jira gacanta Ciidamada Qalabka Sida ee Koonfurta”, ayuu al-Bidh.
Kooxdu waxay raadineysaa madax-bannaanida koonfurta Yemen, oo ahayd dowlad madax-bannaan ilaa ay la midowday waqooyiga sannadkii 1990.
STC waxay sheegtay in madaxdii sare oo ka socda dowlada Caalamka aqoonsan yahay isaga baxeen magaalada Cadan, oo ay ku jiraan madaxa siddeed xubnood oo ka tirsan golaha kumeel gaarka ah ee metala Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

Kooxda STC, oo ay hore u taageereen Imaaraadka Carabta intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee tobanka sano socday, ayaa isku dhacyo la gashay kooxo kale oo ka tirsan dowladda ay taageerto Sacuudiga, kuwaas oo u guuray Cadan kadib markii Xuutiyiinta ay qabsadeen caasimadda Sanca sanadkii 2014.
Sarkaal ka tirsan Imaaraadka Carabta ayaa Isniintii u sheegay Reuters in mowqifka dalka ee ku aaddan Yemen “uu la jaan qaadayo Sacuudi Carabiya taageerada geeddi-socod siyaasadeed” oo ku salaysan dadaallada ay taageerto Khaliijka iyo qaraarrada Qaramada Midoobay. Sarkaalku si toos ah ugama hadlin dhaqdhaqaaqyada ugu danbeeyey ee STC ka wado koonfurta Yemen.
Ma jirin wax war ah oo ka soo baxay Sacuudi Carabiya.
Madaxa Golaha Madaxweynaha Rashad al-Alimi ee Yemen, ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray Isniintii in ficillada STC ee ka socda koonfurta ay “wiiqi doonaan sharci ahaanshaha dowladda caalamku aqoonsan yahay” isla markaana ay jebinayaan heshiisyada awood-qaybsiga.



