Yemen: Mareykanka oo duqeyn ku dilay ugu yaraan 68 tahriibayaal ah

28 April, 2025

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay maanta oo Isniin ah in duqeyn uu Mareykanku ka geystay gobolka Sacda duqeyn ka dhacay xarun lagu hayo muhaajiriin Afrikaan ah, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 68 qof.

Ururka difaaca madaniga ah ayaa sheegay in 47 kale ay ku dhaawacmeen weerarka.

Militariga Mareykanka ayaan weli ka hadlin.

Dhammaadkii Todobaadkan, Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka ayaa sheegay inaysan shaacin doonin tafaasiil gaar ah oo ku saabsan duqeymaha Milliteri ee ay la beegsanayaan Xuutiyiinta.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Xuutiyiinta ay maamusho ayaa sheegtay in ilaa 115 muhaajiriin ah lagu hayey goobta ku taal gobalka Sacda ee waqooyiga Yemen.

Duqeyntan ayaa la sheegay inay tahay weerarkii ugu dambeysay ee Mareykanka la beegsado Yemen.

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in ay duqeeyeen in ka badan 800 oo bartilmaameed oo Yemen ah tan iyo bartamihii bishii March, kuwaas oo ay sheegteen in ay ku dileen boqolaal Xuutiyiin ah ayna burburiyeen xarumo ay lahaayeen kooxda xagjirka ah.

Haseyeeshee duqeymahan ayaan joojin weerarada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta Mareykanka iyo Israel. Waxa ay sheegeen in weeraradooda ay qeyb ka tahay garab istaaga Falastiiniyiinta iyo joojinta Xasuuqa Gaza.