Yemen: Xuuthiyiinta oo xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaarihii lagu dilay duqeyntii Israa’iil ee Sanca

Xuutiyiinta ayaa cambaareeyey dilka Axmed al-Rahawi iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda oo lagu khaarajiyey duqeyntii Israa’iil ee caasimadda Yemen.

31 August, 2025

Sarkaal ka tirsan Xuutiyiinta ayaa wacad ku maray in ay “ka aargudan doonaan” Israa’iil kadib markii kooxda ay xaqiijisay in weerar cirka ah oo Israa’iil ay ku dishay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xuutiyiinta.

Ahmed al-Rahawi ayaa lagu dilay duqeyn khamiistii ka dhacday Sanca isaga iyo “dhowr” wasiiro kale, sida ay Xuutiyiinta ku sheegeen bayaan ay soo saareen Sabtidii shalay.

Xuuthiyiinta ma aysan cadeyn tirada kale ee wasiirada ah ee sidoo kale lagu dilay weerarka Israel.

Weerarkii Israa’iil ee Sanca, oo milatariga Israa’iil ay ku sheegeen in ay ku garaaceen “bartilmaameed militari oo ay leeyihiin Xuutiyiinta”, ayaa kusoo beegmay iyadoo xiisadda gobolka ay sii kordhayso xilli ay Israa’iil sii wado xasuuq Gaza.

Turjumaada: Madaxtooyada Yemen: Waxay ku dhawaaqaysaa geerida shahiida Mujaahid Axmed Ghaleb al-Rahawi, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Isbeddelka iyo Dhismaha, oo ay weheliyaan dhowr wasiir oo kale ah, maalinimadii Khamiista.

Israa’iil ayaa bilihii lasoo dhaafay si isdaba joog ah u bartilmaameedsatay fariisimaha Xuutiyiinta, iyadoo kooxda Yemen ay weerarro gantaalo ku qaadaysay Israa’iil iyo maraakiibta reer galbeedka ee ku sugan badda cas iyo gacanka Cadmeed, taasoo ay ku sheegtay inay muujinayso taageerada ay u hayso Falastiiniyiinta ku sugan Gaza.