Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay inay laba weerar ka geysteen Israa’iil, iyagoo ballan qaaday inay sii wadi doonaan.

Labada weerarba waxaa laga soo qaaday Yemen, waana weerarkii ugu horreeyay tan iyo markii dagaalka Iran billowday.
Xuutiyiinta ayaa ku biiray dagaalka ka dhanka ah Israa’iil xili Markab dagaal oo Mareykan ah oo wada kumanaan askari oo ka tirsan ciidamada badda ay kusii jeedaan Bariga Dhexe.
Xoogaga Xuutiyiinta oo sidoo kale digniin u diray Mareykanka ayaa ku goodiyey in hadii Mareykanka uu wax weerar ah geysto dalka Yemen, ay iyaguna bilaabi doonaan duqeynta ay kula beegsanayaan Maraakiibta Mareykanka.
Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta Yahya Saree ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in kooxdu ay “riday gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo bartilmaameedsanaya dhowr goobood oo muhiim ah iyo kuwo militari” oo ku yaal Israa’iil.




