Dowladda Puntland ayaa bilowday abaabul ku aaddan hawlgalka Onkod ee kooxda Alshabaab looga saarayo deegaamada ay…

Dowladda Puntland ayaa bilowday abaabul ku aaddan hawlgalka Onkod ee kooxda Alshabaab looga saarayo deegaamada ay kaga sugan tahay buuraleeyda Cal-madaw ee gobolada Bari iyo Sanaag.
Deegaanka Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa saraakiil katirsan ciidanka difaaca dowladda Puntland ku qarameeeyeen ciidamo beeleedyo ka soo jeeda deegaanka oo si rasmi ah ugu biiray xoogagga Daraawiishta Puntland.
Amaan-duulaha ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland, Gen, Indhayare iyo saraakiil kale ayaa si rasmi ah ula wareegey ciidankaani oo ay sheegeen inay qayb ka noqon doonaan difaaca Puntland iyo hawlgalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.
“Waxaan maanta boonay magalada Yube ee gobolka Sanaag halkaas oo aan ku qaramaynay urur kamid ah ciidanka darawishta puntland islamarkaana kusoo biiray ciidanka, Waxaan dhawaan diyaarin doona cutubyada kala duwan ee ciidamda kusugan qaybta Sanaag si ay uga qayb qaataan Xoraynta Calmadaw oo meelo kamid ah argigixisadu kaga dhuumalaysanayaan”, Ayuu yiri Amaan-duuluhu.





