Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa sheegay inay daraasaad ku samayn doonaan xabad joojin uu Maraykanku garwadeen ka yahay…

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa sheegay inay daraasaad ku samayn doonaan xabad joojin uu Maraykanku garwadeen ka yahay oo laga hirgeliyo Marinka Qasa, xilli ay Israa’iil sii waddo beegsiga dadka rayidka ah.
Ciidamada maamulka Yuhuudda ayaa ku dilay ugu yaraan 78 falastiiniyiin ah guud ahaan Qasa iyagoo beegsanaya dadka gargaar doonka ah iyo barakacayaasha ku jira teendhooyinka.
In ka badan 600 oo falastiiniyiin ah ayaa la dilay shan toddobaad gudahood iyaga oo ku sugaya baakadaha cuntada ee xarumaha hay’adda Gargaarka Bani’aadannimo ee Qaza (GHF) ee ay Israa’iil taageerto.
Dagaalka Qasa ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 57,012 qof, waxaana ku dhaawacmay 134,592, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza, ilaa 7-dii Oktoobar 2023.