Yuhuudda oo Suxufiyiin ku dishey dalka Lubnan & dibad-baxyo ka dhacay Tel Aviv.

29 March, 2026

Wariye u dhashay Lubnaan una shaqeynayay shabakad telefishin gaar ah oo ay leedahay Hezbollah ayaa ka…

Wariye u dhashay Lubnaan una shaqeynayay shabakad telefishin gaar ah oo ay leedahay Hezbollah ayaa ka mid ahaa saddex wariye oo lagu dilay weerar Israa’iil ay ka geysatey gudaha Lubnaan.

Telefishanka Al Manar ee ay leedahay Hezbollah ayaa sheegay in wariye Ali Shuaib lagu dilay weerar Israa’iil ay la beegsatay gaarigii uu saarnaa, waxaana la baahiyey sawirrada meydkiisa oo ahaa kuwa siweyn looga argagaxay.

Dibad-baxayaal ka soo horjeeda dagaalka Iiraan ayaa ka socda Tel Aviv iyo magaalooyinka Mareykanka oo dhan, iyadoo dadka Lubnaan ay isugu soo baxeen waddooyinka Beirut iyagoo ka cabanaya dilkii Israa’iil ay u geysatay saddex wariye iyo shacab kale oo aan waxba galabsan.

Maraykanka iyo Israa’iil ayaa sii wada weerarrada ay ku qaadayaan Iiraan, iyagoo dilay qoys ka kooban afar qof oo ku sugan gobolka Bushehr, isla markaana weeraray xarun biyood oo ku taal gobolka Khuzestan, iyadoo Tehran ay ku hanjabtay weeraro aargoosi ah oo ay ku qaadayaan jaamacadaha Israa’iil iyo kuwa Mareykanka ee Bariga Dhexe.