Madaxweynaha Zambia, Hakainde Hichilema, ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimo, isaga oo helay muddo-xileed labaad oo shan sano ah, sida ay shaacisay guddiga doorashooyinka dalka.

Natiijooyinka rasmiga ah ee la soo saaray saacadihii hore ee Talaadadii ayaa muujinaya in Hichilema uu helay ku dhowaad 61.4% codadkii saxda ahaa, halka musharraxiisii ugu weynaa ee la tartamayey, Brian Mundubile, uu helay 38%.
“Waxaan sidaas darteed ku dhawaaqayaa in Hakainde S Hichilema uu yahay madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Zambia, maanta oo ay tahay 18-ka Agoosto 2026,” ayay tiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, Mwangala Zaloumis.
Guushan ayaa noqotay markii toddobaad ee Hichilema uu u tartamo xilka madaxtinimada. Waxaa si weyn loo filayay inuu ku guuleysto, maadaama uu ahaa madaxweynaha xilka haya, halka Mundubile uu markii ugu horreysay u tartamayey hoggaanka dalka.
Kadib markii lagu dhawaaqay guushiisa, boqolaal ka mid ah taageerayaasha Hichilema ayaa isugu soo baxay caasimadda Lusaka, iyaga oo xirtay midabada cas ee xisbiga uu hoggaamiyo ee United Party for National Development (UPND). Taageerayaashu waxay ku dabaal-degeen heeso iyo ciyaaro, waxaana sidoo kale la maqlayay rash iyo qaraxyo dabaal-deg ah.
Hichilema, oo 64 jir ah, ayaa bayaan uu soo saaray kadib guushiisa ku sheegay inuu “si dhab ah ugu mahadcelinayo kalsoonida aad gacmaheenna ku aaminteen”.
Waxa uu sidoo kale farriin u diray dadkii taageeray musharraxiintii la tartamayey, isagoo yiri: “Waan idin maqalnaa, waxaana sii wadi doonnaa inaan idiin shaqayno.”
Mundubile, oo ah hoggaamiyaha mucaaradka, ayaan isla markiiba ka hadlin natiijada.
Xiisado ka dhashay doorashada
Xiisad ayaa dalka ka jirtay maalmihii u dambeeyay, kadib markii ololihii doorashada ee ka horreeyay codbixintii 13-kii Agoosto uu ahaa mid inta badan deggan.
Habeenkii doorashada, ciidamada ammaanka ayaa xiray 11 qof, oo ay ku jireen xubno caan ah oo ka tirsan mucaaradka, kadib hawlgal ay iska horimaad hubaysan ka dhacay. Mundubile ayaa xilligaas goobta ku sugnaa.
Dowladda ayaa sheegtay in hawlgalku uu ahaa mid lagu bartilmaameedsanayo “falal maleeshiyaad”, iyadoo dadka la xiray lagu eedeeyay in laga helay hub heer ciidan ah oo loogu talagalay kacdoon hubaysan.
Xisbiga Mundubile ee National Reconciliation Party for Unity and Prosperity (NRPUP) ayaa beeniyay sheegashada dowladda, isagoo sheegay in hawlgalku ka dhacay guriga hoggaamiyahooda, isla markaana xildhibaan ka tirsan xisbiga uu ku dhaawacmay rasaas.
Maalintii xigtay, guddiga doorashooyinka ayaa muddo saacado ah hakiyay tirinta codadka, kadib markii la soo sheegay rabshado loo geystay shaqaalaha goobaha codbixinta iyo in la xaday waraaqo codbixin ah.
Mundubile ayaa sheegay inuu helay xog ku saabsan suuragalnimada in wax laga beddelay foomamka natiijooyinka ee laga soo gudbiyay goobaha codbixinta, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah baaritaan madax-bannaan loogu sameeyo arrintaas.
Xisbiga Hichilema ayaa ku eedeeyay Mundubile inuu been sheegayo.
Kormeerayaasha caalamiga ah, oo ay ku jirto Midowga Yurub, ayaa sheegay in doorashadu inta badan si nabad ah ku dhacday, balse ay sheegeen in “hannaanka doorashada oo dhan uu ka dhacay jawi xaddiday xorriyadaha aasaasiga ah”.
“Isbeddello sharci oo xilli dambe la sameeyay, hubanti la’aan sharci iyo xaalado olole oo aan sinnayn ayaa khalkhal geliyay tartanka,” ayuu yiri Michael McNamara, madaxa howlgalka kormeerayaasha doorashada ee Midowga Yurub.
Qiyaastii shan milyan oo cod ayaa laga dhiibtay doorashada.
Zambia, oo ay ku nool yihiin 22 milyan oo qof, isla markaana ah dalka labaad ee Afrika ugu weyn wax-soo-saarka naxaasta, waxay leedahay taariikh dheer oo ah in awoodda siyaasadeed si nabad ah loogu kala wareego sanduuqa codbixinta.
Tan iyo markii dalka uu ku soo laabtay nidaamka xisbiyada badan sanadkii 1991, isbeddel kasta oo madaxweyne lagu sameeyay Zambia waxa uu ku yimid doorasho.




