Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa sheegay in uu meesha ka saarayo dhammaan canshuuraha laga qaado badeecadaha laga keeno Mareykanka, si loo dhimo qiimaha, isla markaana loo hagaajiyo wax soo dejinta.

Todobaadki hore, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ansixiyay kordhinta canshuuraha kastamka oo la saaray dalal ay ku jirto Jamhuuriyadda Zimbabwe oo lagu soo rogay 18%.
Xili dowladaha waaweyn ee caalamka sida Shiinaha, Midowga Yurub iyo Canada ay wacad ku mareen in ay qaadi doonaan tallaabooyin aargoosi ah oo ka dhan ah Mareykanka, dalalka qaar ayaa door biday wada hadal si loo wanaajiyo xiriirka Maraykanka iyaga oo isku dayaya inay wax ka bedelaan habka is dhaafsiga ganacsiga, dalalkaas waxaa kamid ah Koonfur Afrika iyo Zimbabwe.
Mareykanka looma kala saarin inuu yahay saaxiibka dhaqaale ee ugu weyn Zimbabwe, maadaama mugga isweydaarsiga ganacsiga ee u dhexeeya iyaga iyo Maraykanka sanadkii 2023 uu gaaray ilaa 157 milyan oo doolar, wuxuuna hoos u dhacay 2024 ilaa 110 milyan oo doolarka Mareykanka ah.
Dhawaan, Zimbabwe waxay meesha ka saartay xulafadeedii Shiinaha, Ruushka iyo Hindiya, waxayna soo gabagabaysay heshiisyo ganacsi oo ay la lahayd shirkado badan oo dalalkaas ah.
Inkastoo dalal badan ay walaac ka muujiyeen canshuuraha uu soo rogay Trump, haddana Zimbabwe waxay u heshay fursad ku habboon in ay dib u soo nooleyso xiriirkii ay la lahayd Washington, oo ay ka muuqatay hoos u dhac la taaban karo sannadihii u dambeeyay.
Horseed Media