Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu ku guuleystay in uu ku biiro 𝐁𝐚𝐫𝐧𝐚𝐚𝐦𝐢𝐣𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐓𝐚𝐥𝐨𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚…
Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu ku guuleystay in uu ku biiro 𝐁𝐚𝐫𝐧𝐚𝐚𝐦𝐢𝐣𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐓𝐚𝐥𝐨𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐚𝐲𝐝𝐤𝐚 ee lagu magacaabo RAMP, isagoo noqday 𝐱𝐮𝐛𝐢𝐧𝐭𝐚 𝟕𝟗-𝐚𝐚𝐝 ee ku biirta shabakaddan caalamiga ah oo ay ku mideysan yihiin bangiyada dhexe ee adduunka, hay’ado maaliyadeed oo calami ah, iyo sanduuqyada maareeya maaliyadda howl-gabka.
Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢, oo ka qeybgelay shir-sannadeedka Bangiga Adduunka (WB) iyo hay’adda Lacagta Adduunka(IMF) 2024 uga socda magaalada Washington ee dalka Maraykanka, ayaa saxiisay heshiika uu Bankiga Dhexe ugu biiray Barnaamijka RAMP ee Bangiga Adduunka.
Guddoomiyaha oo tilmaamaya muhiimadda heshiiskani u leeyahay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa yiri “𝐤𝐮 𝐛𝐢𝐢𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐧𝐚𝐚𝐦𝐢𝐣𝐤𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐨𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐚𝐲𝐝𝐤𝐚 (𝐑𝐀𝐌𝐏) 𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐚 𝐭𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐛𝐨 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨𝐧 𝐚𝐰𝐨𝐨𝐝𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐞𝐲𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐧𝐤𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐭𝐚𝐚𝐬 𝐨𝐨 𝐦𝐮𝐮𝐣𝐢𝐧𝐞𝐲𝐬𝐚 𝐬𝐢𝐝𝐚 𝐚𝐲 𝐢𝐧𝐧𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐠𝐨’𝐚𝐧 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐛-𝐮-𝐝𝐡𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐤𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐣𝐚𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐜𝐚𝐬𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐜𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐤𝐮 𝐮 𝐦𝐚𝐚𝐫𝐞𝐞𝐲𝐨 𝐤𝐚𝐲𝐝𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚, 𝐬𝐢 𝐥𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐨 𝐡𝐢𝐦𝐢𝐥𝐚𝐝𝐞𝐞𝐧𝐧𝐚 𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐚𝐛𝐮𝐮𝐫𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐬𝐢𝐥𝐥𝐨𝐨𝐧 𝐢𝐬𝐥𝐚-𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚𝐚𝐧𝐚 𝐜𝐚𝐬𝐫𝐢 𝐚𝐡.”