10 Hindise Sharciyeed oo Gollaha Xukuumadu Federaalku Ansixiyeen

Published: February 28, 2020

Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa kulan ay Shalay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen toban hindise sharciyeedka.

Shirka oo uu Guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa hindise sharciyeedka la ansixiyay waxay kale yihiin.

  1. sharciyeedka hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda,
  2. xeerka lahaanshiyaha xuquuqda daabacaadda,
  3. siyaasadda waxbarashada Dalka
  4. hindise sharciyeedka Ciidanka Booliiska.
  5. sharciga abuurka iyo noocyada Dhirta,
  6. Sharciga badbaadinta dhir-beereedka,
  7. siyaasadda Qaran ee bacrimiyayaasha,
  8. siyaasadda Qaran ee dulin-dilayaasha,
  9. sharciga hay’adaha adeegyada baaritaanka Beeraha iyo
  10. sharciga xakameynta kiimikooyinka Beeraha.

Shirkan waxaa kale oo lagu ansixiyay hindise sharciyeedka Filimada iyo heshiis is-Af-garad ah oo dhex maray wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada iyo shirkadda SAT Service LLC ee dhistay Hoteelka Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabulle.

HORSEEMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *