Sucuudiga oo qaadanaya kumaankun gabdho Soomaali ah oo shaqadoodu tahay Adeegto

Published: January 2, 2017

Boqortooyadda Sucuudiga ayaa heshiis isfaham la gashay dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo ku qaadanayso tobon kun oo gabdho Soomaaliyeed oo adeegtooyin ka noqonaya guryaha wadankaasi

Wargayska Iqtisaadi ee ka soo baxa Sucuudiga ayaa cadadkiisii saaka ku soo daabacay in ilo dimlamaasiyeed oo lagu kalsoonyahay ay u sheegeen wargayska in la dhamaystiray heshiiska shaqaalaysiinta, islamarkaana uu dalka sucuudigu uu dhawaan imaan doono Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshadda eeSoomaaliya Ibraahim Sheekh Muudeey, iyadoo qaybta ugu dambaysa ee heshiiska oo ah shuruudaha iyo xuquuqaha shaqaalahaasi lagu dhamaystiri doona marka uu yimaado wasiirku dalka sucuudiga.

Wargayska oo soo xiganaya dimplamaasiyiin magacyadoodaa qariyay, ayaa sheegay in Safaaradda Soomaaliya ee dalka sucuudiga ayaa door muhiim ah ka qaadanayso heshiiska shaqaalaysiinta gabadhaha Soomaaliyeed, iyadoo dalabyo ama codsiyo ka heshay shirkaddaha dadka shaqaalaysiiya ee Dalka Sucuudiga.

Shirkadaha sucuudiga ee shaqaalaha dibada ka keena ayaa la sheegaya inay ku adkaatay in gabdho guryaha ka shaqeeya ay ka keenaan wadamada Siralanka, Philipine iyo Ugandha, iyadoo shaqaalaha wadamadaasi ay dalabadeen in kabadan 1500 Dollar iyo xuquuqo kale, waxayna doorbidayaan inay helaan shaqaale jaban, oo xuquuqo badan aan dalbanayn.

Dowladda Sucuudiga ayaa sanadkii hore ka joojisay in dalkaasi ay adeegtooyinka guryaha ay ka noqdaan gabdhaha ethiopianka, kuwasoo lagu eedeeyay in dileen caruur sucuudiyaan oo ay dhaleen qoysaskii ay u shaqaynayay, waxaa kaloo sucuudiga laga joojiyay inay ka shaqeeyeen dumarka wadamada Philipine iyo siralanka, kuwasoo la sheegay inay tacadiyo iyo xuquuqdooda oo la inkiro ay la kulmaan.

Gabagadii,Dowladda Soomaaliya iyo Sucuudiga ayaa sanadkii hore ku heshiiyay in sucuudiga shaqaale Soomaaliyeed oo guryaha ka shaqeeya ay qaataan, arrintaasi oo dad badan oo Soomaaliyeed ay kasoo horjeesteen, iyagoo ka baqaya in gabdhahaasi ay la kulmaan jidil, tacadiyo, Kufsi iyo in xuquuqdooda loo diido sida ku dhacday gabdhaha shaqaalaha ee wadamada Ethiopia iyo Ugandha.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *