12 Oktoobar maalinta xuska calanka Soomaaliya ee 68 sano jirsadey.

Published: October 12, 2022
Shares38

Maanta 12 Oktoobar waa maalintii calanka Soomaaliyeed. Waxaa qaybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya maanta oo kale laga xusayaa 12-ka October maalinta calanka oo asaaskeedi ay ka soo wareegtey 68 sano.

Calanka Waxaa la sameeyey taariikhdu markay ahayd 12kii Oktober 1954tii, waxaana hindisa calanka buulugan ee dhexda xiddigta ku leh iska lahaa ilaahay ha u naxriistee Maxamed Cawaale Libaan.

Marxuumka ayaa markii u sameeyey Calanka wuxuu dood dheer la galay dad badan oo ayagu su’aalo ka weydiiyey astaamaha calanka, waxayna dooda ugu weyn ka imaaneysay dhanka Gumeystayaashii oo ayagu markii hore diiday Calanka Buluuga ah.

Maxamed Cawaale Liibaan illaahay Janadiisa haka waraabiyee wuxuu ahaa nin ay ku weyntahay isla markaana aad u qiimeeya walaaltinimada ummada Soomaaliyeed ee isku ISIR, AF iyo dhaqanba ah, waxaana uu ka tirsanaa halgamayaashii xornima doonka ee SYL.

Goobtii ugu horreysey ee calanka Soomaaliyeeed laga taago ma ahan Muqdisho, waxay ahayd beerta xorriyadda ee Hargeysa 26 Juun 1960.

Kadib burburkii qaranka Soomaaliya waxaa soo baxay in midabka calanka Soomaaliyeed uu noqdo mid qofba waxa uu rabo samaysto isaga oo buluug raadinaaya keliya, laakiin calanku waa buluug khafiif ah oo lamid ah kan cirka, waxaa jira tiro iyo xisaab midabkasta iska lee yahay oo lagu kala saaro, waxaan dhihi karnaa midabka calanku waa marka la isu geeyo Guduud, Cagaar iyo Buluug RGB waxa u noqon xisaabta (171,202,233) marka kale CYMK afartan midab ee CYAN, MAGENTA, Jaalo iyo Madow, haddii la isku darona waxa uu noqon 35, 9, 0, 0 sida ay u kala horeeyaan, waxaa soo baxaya midabka saxda ah ee calanka Soomaaliyeed.

Heesta calanka ayaa iyadana dad aad u badan weli khaldaan, waxaana ay isticmaalaan heestii xornima doonka ee Soomaaliyeey toosoo, laakiin heesta calanka ee saxda ah ayaa ah:

Qolobaa calankeedu,waa ceynoo,
Innaga keenu waa Cirkoo kale ee,
aan caadna lahaynoo,Ee caashaqa ee.

Xidigyahay caddi waad,Naa ciidamisee,
Carradaa kaligaa aadoow curad ee
cadceeda sideed noo caan noqo eey

Cishadaad dhalataad calooshayadii
Sidii cudaygii ciid aad marisee
Alloow ha ku celin cawooy dhahe eee.

Hambalyo maalinta calanka Soomaaliyeed.

Horseed Media