Germany: Raysalwasaare Scholz oo lumiyay codka kalsoonida Barlamaanka

2 hours ago

Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa lumiyay codka kalsoonida ee baarlamaanka, taasoo dhalisay qaban qaabadda doorashooyin degdeg ah.

Codbixinta Isniintii ayaa timid ka dib markii isbahaysigii jilicsanaa ee Scholz uu burburay, taasoo dhalisay qalalaase siyaasadeed.

Scholz ayaa ku guuleystay taageerada 207 xildhibaan oo ka tirsan 733 kursi ee aqalka hoose, ama Bundestag, halka 394 xubnood ay ka codeeyeen, 116 way ka aamuseen. Taasi waxay ka dhigtay inuu heysto codod aad uga yar 367 cod ee loo baahan yahay.

Doorashada baarlamaanka cusub ayaa dhici doonta 23-ka bisha Febraayo.

Isbaheysiga maamulka, oo ka koobnaa saddex xisbi siyaasadeed, ayaa burburay markii Scholz uu shaqada ka ceyriyay wasiirkii maaliyadda Christian Lindner bishii November.

Xisbiga Scholz ee Social Democrats-ka (SPD) iyo Green-ka ayaa sii wadi doona inay dalka maamulaan ilaa laga soo dhisayo dowlad cusub.

Codka maanta ayaa yimid kadib bilo isqabqabsi ah oo ka dhashay miisaaniyadda iyo kharashka deynta.

Xisbiga Lindner ee u ololeeya Dimuqraadiyiinta Xorta ah ayaa markaa ka baxay dawladii isbahaysiga, iyagoo ka qaaday RW Scholz aqlabiyadda baarlamaanka.

Horseed Media