Booliska Puntland ayaa doonaya boqolaal dhalinyarada ka soo baxdey jaamacadaha in ay ka mid noqdaan Booliska taas oo qayb ka ah Itsraatiijiyadda cusub.
Dhallinyarada waxbaratay ee Puntland ayaa loogu baaqayaa inay ku biiraan ciidanka booliska, si halkaasi ay uga helaan fursado shaqo islamarkaana ay u daboolaan baahida loo qabo boolis xirfadle ah oo ku shaqeyn kara nidaamka casriga ee Technoolojiga.
Taliye ku-xigeenka hoggaanka xiriirka dadweynaha ee booliska Puntland G/Sare Cabdirisaq Ismaaciil Xassan ayaa VOA u sheegay in istaraatijiyadda cusub ee Booliska ay tahay in ay qoryaan boqolaal dhalinyaro ah oo jaamacadaha ka soo abxay si loola jaanqaado Tiknoolajiyadda casriga aj
Sanidihii u dambeeyay meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya waxaa kusoo badanayay dhallinyarada aqoonyahanka ah ee ku biiraya ciidamada.
Taliska booliks Puntland ayaa sheegay inay soo gaareen codsiyo ilaa 800 oo ah dhallinyaro doonaya inay biiraan booliska, kuwaas oo 500 boqol ka mid ah ay shaqaaleysiin doonaan.
Shaqo la’aanta dhalinyarada Puntland ee jaamacadaha ka soo baxay ayaa ah mid aad u saraysa, tani waxay keenaysaa fursad cusub oo dhalinyaradu shaqo ku heli karaan uguna adeegi karaan bulshada.
Horseed Media