Israa’iil oo xireysa safaaradeeda Dublin ee dalka Ireland

3 hours ago

Israa’iil waxay ballan qaadey in ay xiri doonto safaaradeeda Dublin sababo la xiriira “siyaasadaha ka dhanka ah Israa’iil ee dowladda Ireland”, ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Gideon Saar Axaddii.

Gideon Saar wasiirka arrimaha dibadda Isra’il

Go’aanka ka soo baxay Israa’iil ayaa loola jeedaa aqoonsiga Ireland ay siisay dowlad Falastiin ah iyo taageeridda dacwadda sharciga ah ee ka dhanka ah Israa’iil maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), oo ku eedeysay Israa’iil xasuuq.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Ireland iyo Israa’iil ayaa xumaaday ka dib markii ay qaadeen tallaabooyin dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen Ireland inay aqoonsato dawlad Falastiin ah iyo inay taageerto dacwadda maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda oo Israa’iil ku eedaysay “xasuuqa” marinka Gaza.

Ireland waxa ay sidoo kale ka mid ahayd dalalka sida aadka ah u dhaleeceeyay weerarka Israel ee Gaza .

“Go’aanka lagu xirayo safaaradda Israa’iil ee Dublin waxaa la qaatay iyadoo la eegayo siyaasadaha nacaybka xad-dhaafka ah ee ka dhanka ah Israa’iil ee xukuumadda Ireland,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda ku sheegtay warbixin ay soo saartay.

“Irland waxa ay ka soo gudubtay khad kasta oo casaan ah xiriirka ay la leedahay Israel.” ayuu yiri Saar.

Saar waxa uu sheegay in Israa’iil ay dhaqaalaheeda ku bixin doonto sidii ay xiriir ula yeelan lahayd dalalka kale, Axaddiina waxa ay ku dhawaaqday in ay safaarad ka furanayso Moldova .

Bishii Maajo, Dublin waxay sheegtay inay Falastiin u aqoonsan tahay “dawlad madaxbannaan” oo ka kooban Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed waxayna ogolaatay inay abuurto xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa.

Spain iyo Norway waxay isla maalintaas aqoonsadeen dawlad falastiiniyiin ah , iyadoo Slovenia toddobaad ka dib, ay Israa’iil ka qaadday tallaabo aargoosi ah.

Bishii Nofembar, Dublin waxay aqbashay magacaabista danjiraha buuxa ee Falastiiniyiinta markii ugu horeysay.

Axadii, ra’iisul wasaaraha Ireland Simon Harris ayaa ku tilmaamay go’aanka Israa’iil ay ku xirayso safaaradeeda Dublin “mid aad looga xumaado”.

“Waxaan gabi ahaanba diiday sheegashada ah in Ireland ay ka soo horjeedo Israa’iil. Irland waxay taageertaa nabadda, xuquuqul insaanka iyo sharciga caalamiga ah” ayuu ku qoray bartiisa X.

HORSEED MEDIA+WAKAALADAHA