Maxaa Looga Hadley Shirka Amniga Qaranka?

15 December, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shir guddoomiyey shirka golaha amniga qaranka oo looga hadley istraatiijiyad xafiiska amniga qaranku soo diyaariyey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagu qabtey xafiiska Amniga Qaranka.

War ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in shirku ku saabsanaa xaaladda guud ee amniga iyo qorshaha kala guurka kadib howlgalka ATMIS.

Shirka waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ku-xigeenkiisa Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirrada xubnaha ka ah Golaha Amniga Qaranka iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka.

Intii uu shirka socday, waxaa lagu falanqeeyey istaraatiijiyadda xoojinta amniga qaranka iyo dhammeystirka dib u habeynta ciidamada Soomaaliyeed ee diyaar garoga dhamaadka hawlgalka ATMIS iyo soo dhaweynta AUSSOM.

Shirka ayaa Guddiga Amniga Qaranka ayaa ku soo beegmaya iyada oo ciidamo ka badan 100o askeri ay ka talaabeen xadka kenya kadib markii looga adkaadey dagaalkii Raaskaanbooni.

Shirka waxaa lagu lagu casuumay warbixin muhiim ahna lagaga dhageystay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka oo soo bandhigtay sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed, gaar ahaan isbaarooyinka iyo lacagaha sharci darrada ah ee looga qaado gobollada goobo ka mid ah Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. Arrintan ayaa Guddigu waxay ku tilmaameen caqabad weyn oo wiiqaysa wax-soo-saarka iyo horumarka dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey hay’adaha ku shaqada leh in ay si degdeg ah uga shaqeeyaan xallinta caqabadahaas, si beeraleydu u helaan fursado ay ku horumariyaan wax-soosaarkooda, dadka Soomaaliyeedna ay uga faa’iideystaan khayraadka beeraha uu hodonka ku yahay dalkeenna.

HORSEED MEDIA