Magaalada Ceerigaabo waxaa malaintii labaad ka socda dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo
Waxaa maalintii labaad galay dagaal ka socda degmada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidanmada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.
Wararku waxay sheegayaan in dagaalku bilowdey gelinkii danbee ee malaintii shalay ee Sabtida, kadib markii ciidamada RRU io kuwa Booliska Somaliland ay weerar ku qaadeen xaafadda hoose ee beelaha Hartigu degan yahay halkaas oo ay horey u yimaadeen ciidamada SSC-Khaatumo.
Maalmihii u danbeeyey ayaa si weyn looga qaxay magaalada Ceerigaabo, dadka ugu badan ayaa u qaxay magaalooyinka Badhan, Qardho, Burco iyo weliba Laascaanood.
Ciidamada SSC-Khaatumo ayaa la wareegay Kontroolka Bari ee magaalada Ceerigaabo oo ay horey u joogeen ciidamada Booliska Somaliland, sida ay sheegayaan xogo soo gaarey Horseed Media.
Dhimasho iyo dhaawac ayaa labada dhinac soo gaarey inkasta oo ilaa hadda aysan jirin cid si rasmi ah uga hadashey khasaaraha dagaalka.
Dagaaladan ayaa ku soo beegmaya iyada oo laba maalmood ka hor Madaxweynaha cusub ee Somaliland uu xilka la wareegay.
Sababta dagaalka ayaa lagu sheegay dilal aano qabiil ah oo iska soo daba noqdey, taas oo keentey in Ciidamo taabacsan SSC-Khaatumo ay gudaha u soo galaan Ceerigaabo oo muddo dheer Somaliland ka talineysey.
HORSEED MEDIA