Shir ay isugu yimaadeen Madaxweynaha, Raysalwasaaraha iyo Agaasimaha NISA ayaa looga hadley xaaladda Jubaland iyo Axmed Madoobe
Warar Horseed Media heshey ayaa sheegaya in ay habeenimadii Sabtida shir ay isugu yimaadeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre iyo Agaasimaha hay’adda sirdoonka Cabdullaahi Maxamed Cali. Kulankan ayaa looga hadley xaaladda Jubaland kadib jabkii dowladda federaalka ka soo gaarey Raas-kaambooni.
Warar ku dhaw kulanka saddex geesoodka ah ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh wax ka beddalay Istaraatiijiyadda dowladda federaalka ee ku wajahan Jubaland. Xasan Sheekh ayaa sheegay in mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo doorashooyinka uu doonaayo in uu qabto ay ku xiran tahay Axmed Madoobe oo xilka laga tuuro.
Istraatiijiyadda cusub ee ku aadan Jubaland ayaa sheegayasa in Dowladdu xoog saari doonto gobolka Gedo, iyada oo lagu bixinaayo dhaqaalo badan in si toos ah loo hooskeeno Muqdisho si doorashooyin qof iyo cod lagu sheegay looga qaban karo, isla qorshahan ayaa sheegaya in la hubeeyo beelaha kale ee ka soo horjeda Axmed Madoobe sida beelaha Gaaljecal, Sheekhaal, Dir iyo Raxanwyen
Xogta ayaa sheegaysa in shirka looga hadley arrimaha Itoobiya iyo Jubaland ka dhexeyn kara, waxaana loo xilsaarey Agaasimaha NISA in uu Itoobiya kala hadlo in ay joojiyaan taageerada Axmed Madoobe.
Si kastaba ha ahaatee kulanka ayaan lagu soo qaadin fadeexadda ka dhalatey Raaskaambooni iyo cidda qaadi lahayd masuuliyadda kadib markii ciidamo ka badan 1000 askeri uu ku yimid burbur.
HORSEED MEDIA