Israa’iil oo tobanaan weerar ku qaaday Suuriya habeenimadii Sabtida

15 December, 2024

Israa’iil ayaa tobanaan weerar ku qaaday dhulka Suuriya fiidnimadii Sabtida, sida ay sheegtay hay’adda la socota xuquuqda aadanaha ee Suuriya, oo ah hay’ad la socota dagaalka Suuriya.

Sida laga soo xigtay hay’adda SOHR, Israa’iil ayaa isku geyn 61 gantaal ku ridday xerooyinka Milteriga ee ay ku kaydsanaayeen hubkii Bashar al-Assad tobaka weerar ayaa dhacay in ka yar shan saacadood gudahood.

Israa’iil ayaa tiro badan oo duqeymo ah ka fulisay Suuriya, tan iyo markii uu dhacay nidaamkii Assad, waxayna ciidamadeeda geysay gudaha dhulka Suuriya tan iyo markii fallaagada Suuriya ay afgambiyeen xukuumadda Bashaar Al-Asad toddobaad ka hor.

Sida laga soo xigtay hoggaamiyaha xoogaga mucaaradka ee Hayat Tahrir al-Sham  ee waddanka dagaalada ka daalay ma laha awood uu kula dagaallamo Israa’iil, hadda.

Weerarda Sabtidii dhacay ayaa imaanaya iyada oo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey faray ciidammada Israa’iil inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha Suuriya, isla markaana ay joojiyaan weerarada xagga cirka ee lagu bartilmaameedsanaayo goobaha muhiimka ah iyo dadka rayidka ah.

HORSEED MEDIA