Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxman Cirro oo ku dhawaaqey golaha xukuumadiisa

14 December, 2024

Golaha wasiirada cusub ee Somaliland ayaa ka kooban 28 wasiir, 16 wasiir ku xigeen iyo 3 wasiiru dawle, taas oo ka turjumaysa fariin lagu aqoonsan karo in uu soo dhisey xukuumad

Madaxweynaha cusub ee Somaliland C/raxmaan Maxamed C/llaahi ayaa ku dhawaaqay gole wasiiro oo tiro badan kuwaas oo gaaraya 48 wasiir, taasi oo muujineysa in hab ballaaran loo wajahayo dowladnimada ka dib markii uu si weyn ugu guuleystay doorashadii bishii November.

Golaha wasiirada ee Somaliland ayaa ka kooban 28 wasiir, 16 wasiir ku xigeen iyo 3 wasiiru dawle, taas oo ka turjumaysa fariin lagu aqoonsan karo in uu soo dhisey xukuumad ka qaybqaadatey ololihiisi doorashadii Madaxweynaha Somaliland ee 13-kii bishii November uu ku guuleystey codad ka badan 63%, waxa uu kaga adkaaday Madaxweynihii talada hayey Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirada ugu muhimsan ayaa kala ah Cabdillaahi Xasan Aadan oo loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdale Maxamed Sandheere oo loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Waxa xusid mudan in golaha wasiirradu ay ku jiraan ilaa afar wasiir oo ka soo jeeda beelaha Hartiga.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in laga yaabo in tirada golaha wasiirada aysan noqon doonin mid dhameystiran, iyadoo la sugaayo bilaha soo socda la abuuri doono xilal kale oo wasiiro ah. Wararka qaar ayaa sheegaya in ay gaari doonaan ilaa 60-wasiir.

Madaxweyne C/raxmaan Maxamed C/llaahi ayaa maalintii Khamiista si rasmi ah ula wareegay xilka, iyadoo ay bilow u tahay waxyaabihii uu ballanqaaday inuu noqon doono maamul isbedel leh.

Liiska Golaha Wasiiradda xukuumadda cusub ee uu soo dhisay ee Somaliland iyo beelaha ay ka soo jeedaan.

  1. Cabdale Maxamed Sandheere: Wasiirka Arimha gudaha iyo Amniga – Isaaq, HabarAwal, Ciise Muuse.
  2. Xasan Axmed Macalin: Wasiirka Dawladaha Hoose – Isaaq, Habarjeclo, Cimraan
  3. Yoonis Axmed Yonis: Wasiirka Cadaalada – Isaaq, Toljeclo.
  4. Cabdulaahi Xasan Cawale: Wasiirka Maaliyada – Isaaq, Habarawal, Sacad Muuse
  5. Cabdiraxmaan Dahir Bakaal: Wasiirka Arrimaha Dibadda – Gadabuursi, Habarcafaan
  6. Dr Xuseen Bashir Wahan: Wasiirka Caafimaadka – Isaaq, Ayuub.
  7. Xuseen Axmed Caydiid: Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka & guriyaynta – Isaaq, Arab, Muuse Abokor.
  8. Khadar Xuseen Looge: Wasiirka Madaxtooyada – Isaaq, Garxajis, Ciidagale.
  9.  Cali Jamac Buureed: Wasiirka Kaluumaysiga – Harti, Warsangeli.
  10. Maxamed Yusuf Ilkacase: Wasiirka Gaashaandhiga – Isaaq, Habarjeclo, Solamadow
  11. Axmed Jaamac Barre: Wasiirka Macdanta iyo Tamarta – Samaroon, Maxamed Case.
  12. Marwo Kaltun Sheikh Xasan: Wasiirka Qorshaynta – Isaaq, Habarawal, Sacad Muuse.
  13. Cismaan Ibrahin Afgaab: Wasiirka Gaadiidka – Isaaq, Garxajis, Habaryoonis
  14. Prof Ismail Yusuf Du’ale: Wasiirka Waxbarashada Somaliland – Isaaq, Habarjeclo, Muuse Abokor.
  15. Abubakar Cabdiraxman Good: Wasiirka Biyaha – Samaroon, Maxamed Case.
  16. Marwo Milgo Maxamed Sanbalooshe: Wasiirka Shaqada – Isaaq, Arab, Hashim.
  17. Maxamuud Cige Yusuf: Wasiirka Beeraha, Gabooye.
  18. Fuad Axmed Nuux: Wasiirka Duulista – Isaaq, Habarawal, Sacad Muuse.
  19. Axmed Yasiin Sheikh Cali: Wasiirka Warfaafinta – Samaroon, Makaahiil.
  20. Cabdullahi Cisman Geeljire: Wasiirka Deegaanka –Isaaq, Garxajis, Habaryoonis.
  21. Axmed Awdahir Xaji: Wasiirka Dastuurka iyo Xiriirka Golayaasha – Harti, Dhulbahante.
  22. Jamal Mohamed Jama: Wasiirka Isgaarsiinta – Harti, Dhulbahante.
  23. Saleebaan Ducaale Xaj: Wasiirka Dib udejinta – Isaaq, Habarjeclo, Reeryoonis.
  24. Axmed Maxamed Coofle: Wasiirka Ciyaaraha – Ciise.
  25. Cumar Shucayb Maxamed: Wasiirka Xanaanada Xoolaha – Isaaq, Habarawal, Ciise Muuse.
  26. Sheikh Abdulahi Bashe: Wasiirka Diinta & Awqaafta – Isaaq, Habarjeclo – Cumar.
  27. Cabdiraxmaan Xasan Nur Furre: Wasiirka Ganacsiga – Isaaq, Garxajis, Ciidagale.
  28. Siciid Maxamed Buraale: Wasiirka Maalgashiga – Harti, Warsangeli.