Erdogan oo booqasho ku imaanaya Soomaaliya iyo Itoobiya bilowga 2025

16 December, 2024

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqan doona dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya bilowga sanadka soo socda…

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqan doona dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya bilowga sanadka soo socda 2025, ka dib markii uu dhex dhexaadiyay heshiis lagu soo afjarayo xiisadda u dhaxeysa labada dal ee deriska ah, Erdogan ayaa bartiisa X ku xaqijiyey booqashada.

“Waxaan booqan doonaa Itoobiya iyo Soomaaliya labada bilood ee ugu horreeya sanadka cusub,” ayuu ku qoray bartiisa X ee horey loogu yaqaaney Twitter qoraal uu kaga hadlay heshiiskii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku dhexmaray Ankara 11-kii December.

Labada hoggaamiye ayaa ku heshiiyey in ay soo afjaraan khilaafkii u dhexeeyay muddo sannad ku dhow ka dib wadahadal saacado badan qaatay oo uu dhexdhexaadinayey Erdogan, kaas oo ku tilmaamay horumar taariikhi ah.

Wada hadalka ayaa qaatey 7 saacadood oo ay qol ku wada jireen madaxweynaha Turkiga, Wasiirkiisa arrimaha dibadda, iyo labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Itoobiya, Erdogan ayaa u sheegay labada hoggaamiye in aysan albaabka ka bixi karin ilaa ay heshiis wada gaaraan sida ay ku warameen ilo xog-ogaal ah, taas oo keentey in Madaxweyne Xasan Sheekh aanu wadatashi dib ugu soo noqon wefdigii la socdey.

Khilaafku waxa uu bilaabmay bishii January 2024 markii Itoobiya oo aan bad lahayn ay heshiis la gashay Somaliland si ay u hesho dhul xeebeed deked iyo saldhig milatari.

Taa beddelkeeda, Somaliland – oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, waxay sheegtay in Itoobiya ay siinayso aqoonsi rasmi ah, inkastoo aanay weli Addis Ababa xaqiijin sheegashada Somaliland.

Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid xad-gudub ku ah madax-bannaanideeda, iyadoo qeylo dhaan caalami ah ka soo yeertay khatarta colaadda ka soo cusboonaatay gobolka Geeska Afrika ee kacsan.

Turkiga ayaa u soo galay dhexdhexaadin bishii Luulyo, isagoo qabtay saddex wareeg oo hore oo wadahadal ah – laba ka dhacay Ankara iyo mid ka dhacay New York – ka hor horumarka laga sameeyey todobaadkii hore, heshiiska waxaa soo dhaweeyey Midowga Afrika, Maraykanka, Midowga Yurub, Boqortooyada Midowday (UK) iyo Imaaraadka carabta.

HORSEED MEDIA