Maamulka gobolka Galguduud ayaa kooxda Al-Shabaab ku eedeeyay hurinta colaada Ceelbuur ee beelaha dhexdooda ah
Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatey tiro kalena waa ku dhaawacmeen kadib dagaal maalintii Axadda ka qarxay degaanka Xarar-Xayle oo jihada Galbeed qiyaastii 45km kaga beegan Degmada Ceelbuur Gobolka Galgaduud.
Dagaalka ayaa u dhexeeya malayshiyaad kasoo kala jeeda beelaha Cayr iyo Murursade, sababta dagaalka ayaa lagu sheegay in uu la xiriiro dhul daaqsiin.
Maamulka gobolka galguduud ayaa kooxda Al-Shabaab ku eedeeyay hurinta colaadaha beelaha dhexdooda ah, ayaga oo sheegay inay kooxda fursad ka raadinayso dagaallada.
Meelo kala geddisan oo ka tirsan gobolka Galguduud waxaa ka socda dagaalo beeluhu isaga hor-imaanayaan dagaaladaas oo waxyeelo badan geystey.
HORSEED MEDIA