166 Qof oo lagu dilay Rabshadihii Ka dhacay Ethiopia

5 July, 2020

Ilaa 166 qof ayaa ku geeriyooday rabshadaha ka dhashay dilkii loo geystay Fanaankii caanka ahaa Haacaaluu…

Ilaa 166 qof ayaa ku geeriyooday rabshadaha ka dhashay dilkii loo geystay Fanaankii caanka ahaa Haacaaluu Hundeessaa sida ay sheegeen Booliiska wadanka Ethiopia

Ku-xigeenka taliyaha booliiska ee gobolka Oromada Girma Gelam ayaa sheegay in 145 qof oo shacab ah iyo 11 Askari ay ku geeryiyoodeen rabshadihii ka dhacay caasimadda Ethiopia iyo gobolka Oromadda

Dad ka badan 170 qof ayaa dhaawacyo soo gaareen halka dad ka badan 100 qof la xiriray oo ay ku jiraan siyaasiyiinta mucaraad ah.

Fanaan Hundeessaa oo ka soo jeeda qowmiyada oromada ayaa kamid ahaa mucaaridka xukuumada, waxaana la toogtay Isniintii lasoo dhaafay, waxaana la sheegay in dilkiisa uu  ahaa mid qorsheysan.

Salaasadii ayey magaalada Addis Ababa ka bilowdeen kacdoon ay sameenayaan taageerayaasha Fanaankaasi sida weyn looga jeclaa dalkaasi. Rabshadaha socda ayaa sidoo kale lagu burburiyey goobo badan oo ganacsi iyo taalooyin taarikhi ah.

Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa ku eedeeyay dilka Fanaanka inay ka dambaysay dowlad shisheeye (waxaa la filayaa inuu ka wado dalka Masar) oo kasoo horjeeda dhismaha biyo xireenka Itoobiya, isagoo sheegay in dilkan loo adeegsaday kooxo uusan magacaabin oo ka dhex shaqeenaya gudaha Itoobiya, 

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *