21 qof oo Kenya gaajo isu diley si ay Nebi Ciise ula kulmaan

Published: April 23, 2023

Booliska dalka Kenya ayaa helay 21 qof meydkooda kuwaas oo gaajo isu diley kadib markii hoggaamiyaha xertooda oo lagu magacaabo Paul Makenzie Nthenge uu u sheegay in ay la kulmayaan Nebi Ciise haddii ay sidaas sameeyaan.

Booliisku waxa u suurtagashay in ay badbaadiyaan dhawr qof oo ka mid ahaa kooxihii gaajo isu dilka ku cibaadadaysanaayey oo u qaaday cusbitaalka si loogu daweeyo.

Hogaamiyihii urur diimeedka Paul Makenzie Nthenge ayaa isku dhiibay booliiska waxaana lagu soo oogay dacwad bishii hore ka dib markii laba caruur ah ay gaajo u dhinteen intii ay gacanta ku hayeen waalidiintooda, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Waxaa lagu sii daayay damiin dhan 100,000 oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta qiyaastii $750.

Ka dib xog boolisku heleen, waxay badbaadiyeen 15 ka mid ah kuwa raacsan baadarigan habowsan 14-kii Abriil. Afar ka mid ah ayaa dhintay ka hor inta aan loo qaadin isbitaalka.

11-ka qof ee cusbitaalka la keenay, saddex ka mid ah ayaa xaaladoodu aad u liidataa.

Xog-bixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in ugu yaraan 31 qabuuro kale ay ku jiraan kaynta Shakahola ee ka baxsan magaalada xeebta ah ee Malindi.

Baadirigan waa inuu wajihi doonaa dhammaan eedeymahan inkastoo uu cuntada ka soomay oo loo malaynaayo in uu isaguna doonaayo in uu gaajo isku dilo, waxaana hadda socda sidii cunnada loogu khasbi lahaa, uuna u wajihi lahaa caddaaladda.

Horseed media