18 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Mareykanka

Published: October 26, 2023
Shares16

Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay 13 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar nin hubeysan ka geystay magaalada Lewiston ee gobolka Maine fiidnimadii Arbacada, booliiska ayaa weli baadi-goobaya ninka weerarka geystay oo baxsaday.

Ninkan ayaa rasaas ku furay sadex goobood oo kala duwan oo kamid ah xarumaha bulshada isugu timado sida goobaha lagu ciyaaro, baararka iyo makhaayadaha.

Booliska deegaanka ayaa barta Facebook-ga soo dhigay sawirka ninka toogashada geystay oo ku hubeysnaa qori.

Ninkan ayaa magaciisa lagu sheegay Robert Card oo ah 40 sano jir, isla markaana ah askari ka tirsan ciidamada kaydka militari, iyadoo aysan weli cadeyn sababta ka danbeysan weerarkan.

Toogashadan ayaa ah middii ugu dhimashada badneyd tan iyo sanadkii 2017-kii, markaasoo nin hubeysan uu rasaas ku furay goob ay ka socotay bandhig faneedka magaalada Las Vegas, halkaasoo uu ku dilay ilaa 60 qof.

Weerarada noocaan ah ayaa aad ugu badan dalka Mareykanka, oo ah waddan dastuurkiisa uu shacabka u fasaxayo inay hubka qaataan, waxaana horey u fashilay dadaalo badan oo lagu doonayey in hubka lagu xakameeyo.

Horseed Media