33 qof oo u dhashey dalka Iran ayaa laga siidaayey xabsi ku yaala Muqdisho

Published: March 25, 2024

Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa xabsiga Muqdisho ka sii deysay 33 qof oo u dhashey dalka Iiraan sida ay sheegtey wakaaladda wararka ee dalka IRAN.

Kooxdan Iraaniyiinta ah ah ayaa xagaagii 2023-kii lagu qabtey xeebaha Soomaaliya iyaga oo si sharci darro ah ua kaluumeysanaya, kaddib markii iyagoo aan heysan sharciyo ay badda Soomaaliya kaga kalluumaystaan lagu qabtay xeebaha Soomaaliya, kadibna waxaa lagu xukumay lix sano oo xarig ah, iyo ganaax lacageed oo gaaraya boqolaal kun oo Doollarka Mareykanka ah, sida ay sheegtay IRNA.

Siihayaha wasiirka arrimaha dibadda Cali Maxamed Cumar Balcad ayaa ku wargeliyay in 33-kaluumeysato iyo badmaaxiin u dhashay dalka Iran oo ku xirnaa xabsiyada Soomaaliya la sii daayay, kuwaasi oo dib ugu soo laabanaya dalkooda, sida uu ku dhawaaqay Safiirka Iran u fadhiya Kenya Ali Gholampour, sida ay sheegtey IRNA.

Safiirka Iran u fadhiya Kenya Ali Gholampour ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya ay shaaciyeen in ay diyaar u yihiin in loo gudbo hannaanka dib u soo nooleynta xiriirka labada dal oo go’ay sanadkii 2016.

Horseed Media