Baarlamaanka Galmudug Oo Ansixiyey Sharciga Golayaasha Deegaanka

Published: October 22, 2020


Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug kulankoodii maanta ku ansixiyay Sharciga Golayaasha Deegaanka Dawladaha Hoose.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal, ajandaha kulan ayaa ahaa:

  1. Ansixinta Hindise-Sharciyeedka Golayaasha Deegaanka Dowladaha Hoose.
  2. Falanqeynta Hannaanka Doorashada Labada Aqal ee Federaalka iyo Kaalinta Baarlamaanka Galmudug

Sharcigaan Golayaasha Deegaanka Dawladaha Hoose ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaarada arimaha Gudaha, Federalka iy Dib uheshisiinta Galmudug, iyadoo Baarlamaanka usoo gudbisay kadib markii ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirada Galmudug.

Guddiga Dastuurka, dib uhishiisiinta iyo Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Galmudug ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka maanta ka dalbaday in ay insixiyaan sharciga kadib markii ay soo idlaatay waqtigii dib u eegista Sharcigaan, Waxaa ogolaatay meelmarinta sharcigan 48 Xildhibaan, waxaa diiday 3 Xildhibaan, waxaana ka aamusay hal mudane, sidaa ayuu ansax ku noqday, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Cusmaan (Qooje) ayaa umahad celiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug isaga oo sheegay in sharcigaan sida uu yahay ay ugu hogaansami doonaan.

Dhanka kale Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta kulankoodii ku weyneeyay Dhalasha Bisha Mowliid oo ah Bishii uu dhashay Nabigeena Mohemad NNKH.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *